Qoysas danyar ah oo ku nool Degmada Dhoobley oo loo qaybiyay deeq raashin ah.

0
112

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Qoysas dan yar ah oo ku nool degmada Dhoobleey ee gobolka Jubbada hoose ayaa loo qaybiyay raashin ay bisha Ramadaan kaga baxaan kaasi uu labaxay Samafale Cabdullaahi Cali Dheere oo ah Ganacsade Qurbo Joog ah.

Qoysaskan loo qeybiyay Deeqda Raashinka ah ayay gaaraya ilaa 400 oo qoys kuwaasi oo baahi Weyn u qabay Raashinkan.

Qaar kamid ah Dadka danyarta ah ee ka faa’iideystay Deeqdan ayaa ka mahad Celiyay iyagoona ka codsaday dadka kale ee wax heysta in ay Caawiyaan Dadka danyarta ah.

Xasan Maxamed Cabdullaahi.ayaa kawaramaya