Qoysas danyar ah oo ku nool Deegaanada KGS oo loo qeybiyay Deeq Gargaar ah.

0
85

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee Sodma ayaa Maanta 400 oo qoys danyar ah oo ku nool Deegaanada Maamulka KGS ayna saameysay Fatahaada El-Nino waxa ay u qeybisay Deeq ka kooban Qeybaha kala duwan ee Raashinka.

Qoysaskan ayaa ka mahad Celiyay Deeqdan la soo gaadhsiiyay waxaana Goob joog ahaa qeybinta Deeqdan Masuuliyiin kala tirsan Maamulka KGS iyo Hay’adda Sodma.

Lataliyaha ka jawaabida Dag daga ah iyo soo kabashada Hay’adda Maareeynta musiibooyinka Qaranka Muqtaar Sheekh Xuseen ayaa kawarbixiyay Deeqdan Rashinka ah ay u qeybiyeen Qoysaska danyar ee ku nool Magaalada Baydhabo.

Xasan Maxamed Cabdullaahi.ayaa kawaramaya