Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasaaradda Qorshaynta,Maalgashiga iyo Iskaashiga caalamiga ah iyo Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Jubbaland ayaa dib u dajin u sameeyay qoysas barakacayaal ah oo loo yagleelah guryo xal waara ah oo gaaray 250 Guri.
Munaasabadan ay masuuliyiinta xariga kaga jarayeen guryahan xalka waara ah ayaa maanta waxaa dib u dajintii ugu horreysay lagu bilaabay 70 qoys oo barakacayaal danyar ah.
Guryahan ayaa waxaa laga hirgaliyay deegaanka Istanbul ee Waqooyiga Kismaayo, iyadoo ay munaasabadda xariga jarka goob joog ka ahaayeen masuuliyiin kala duwan oo Jubbaland iyo Hey’adaha caalamiga ah ka socday.
Xasan Maxamed Cabdullaahi.ayaa kawaramaya