Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Qoysas danyar ah oo ka soo barakacay deegaano ka tirsan dawlad gobaleedka jubbaland oo ay abaartu saamaaysay ayaa Dowlad goboleedka Jubbaland iyo Hay’adaha sama falka ka codsaday in gar-gaar Bina’aadanimo oo deg-deg ah lala soogaadho.
Hadaba Qoysaskan oo ka badan ilaa 70 qoys ayaa hadda dagan kaamka mowliid laqaay ee magaalada dhoobley halkaas oo ay horay u sii daganaayeen dad kale oo danyar ah waxayna wajahayaan dhibaatooyin ay ka mid yihiin Biyo yari, Caafimaad xumo iyo hoy la’aan.
Qaar kamid ah dadkaasi soo barakacay oo radio sanguuni lahadlay ayaa kawarbixiyay xaaladooda nololeed iyo baahiyaha ay qabaan iyagoona maamulka Deegaanka iyo hay’adaha samafalka ka codsaday in gar-gaar Bina’aadanimo loo fidiyo.
Khaar Axmed Salaan. ayaa ka warramaya