Qorshaha Liverpool Ee Kaddib Casaankii Mac Allister Oo La Ogaaday

0
65

Dhobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa la sheegay in ay isku diyaarinayso xaalad aanay ogeyn jawaabta ay ka heli doonto, si ay awood ugu yeelato in ay dib u hesho laacibka kaadhka casaanka ah laga siiyey ee Alexis Mac Allister oo saddexda kulan ee soo socda ka maqnaanaya garoomada.

Alexis Mac Allister ayaa casaan toos ah lagaga saaray garoonka daqiiqaddii 58aad kulankii ay 3-1 ku karbaasheen Bournemouth, waxaana Jurgen Klopp uu rumaysan yahay in aanu kaadhkaasi ahayn caddaalad oo uu garsooruhu kula degdegay.

Inkasta oo Liverpool ay ku ciyaaraysay 10 laacib, haddana waxay awood u yeelatay in ay goolka saddexaad la timaaddo, iyadoo tababare Jurgen Klopp uu booska kubbad-burburiyaha dib ugu soo celiyey Dominik Szoboszlai.

Liverpool ayaa waxay hadda ka fiirsanaysaa in ay racfaan ka qaadato kaadhka casaanka ah ee la siiyey Mac Allister, kaas oo haddii ay ku guuleysan waayaan oo lagu diido garoomada ka maqnaan doona saddexda ciyaarood ee soo socda.

Jurgen Klopp oo marka horeba ay kooxdiisu ka cabanaysay ciyaartooyda khadka dhexe oo ku yar ayaa waxa kale oo casaanka Alexis Mac Allister u raacay dhaawac soo gaadhay Luis Diaz oo garoonka ka baxay waqti dambe.