Qorshaha Ay Bayern Munich Ku Joojinayso Bukayo Saka Oo La Shaaciyey

0
139

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Bayern Munich ayaa u muuqata inay laba-jibbaartay qorshihii ay caawa ku joojin lahayd xiddiga Arsenal ee  Bukayo Saka oo gool ka dhaliyey lugtii hore, si Thomas Tuchel ay kooxdiisu ugu sii loollami karto koobka kaliya ee ay fursadda u haystaan inay ku guuleystaan xilli-ciyaareedkan.

Munich oo faro madhan ka joogta horyaalka Bundesliga oo ay ku guuleysatay Bayer Leverkusen, ayaa waxa sidoo kale lagu garaacay German Cup oo ay waqti hore ka hadheen halka German Super Cup isagana laga qaaday taas oo ka dhigan in xilli-ciyaareedkan fursadda kaliya ee ay koob ugu guuleysan karayaan uu yahay Champions League oo ay ku dagaallamaan.

Bayern Munich ayaa waxa ciyaartan ganaax kaga maqan Alphonso Davies oo ah difaaca bidix ee Munich, waxaana ay taasi furin cusub ku furtay tababare Thomas Tuchel oo maalmihii ugu dambeeyey ku mashquulsanaa dejinta qorshaha uu ku joojinayo Bukayo Saka, mar haddii uu maqan yahay Davies.

Sida uu qoray wargeyska Bild, Tuchel ayaa waxa uu difaaca bidix ka ciyaarsiin doonaa Noussair Mazraoui, waxaana uu sidoo kale sii daba-dhigi doonaa Raphael Guerreiro taas oo iyaduna keeni karta in weerarka iyo khadka dhexe ay diciifaan.

Tababarkii Bayern Munich ee ugu dambeeyey, ayaa waxa sidoo kale uu Thomas Tuchel tababar gaar ah ku siinayey Jamal Musiala oo uu tusinayey sida uu ku burburin karayo khadka dhexe ee Arsenal isaga oo ka dheelaya booska No.10.