Qof u Dhintay Abaaro Xooggan oo ka Jira Galbeedka Kismaayo.

0
173

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Bilihii u dambeeyay meelo badan oo katirsan koonfurta Soomaaliya waxaa ka jiray abaaro baahsan oo galaafanayay xoolaha, iyada oo meelaha qaar laga soo warinayo dad haraad iyo gaajo u dhimanaya.

Ugu yaraan Wiil yar oo 12 jir ah ayaa la soo wariyay in oonka iyo harraadka awgeed uu ugu geeriyooday deegaannada galbeedka Kismaayo, kuwaasi oo ay si weyn u saameeyeen abaaraha.

Ciise Axmed Maxamed oo kunool degaannada ay abaarta kajirto ayaa sheegay in abaartu siweyn u saameeysay dadka kunool tuulooyinka, Buulo Xaaji, Cabdalla Biroole uyo degaannada kale ee u dhaxeeya Magaalada Ksimaayo iyo degaanka hoosingow, isla markaana abaarta ay saameysay dad iyo Duunyo intaba.

Wuxuu sheegay in dadka ay Xoolihii ka dhamaadeen, sidoo kalena bilihii la soo dhaafay aan la tacbin beeraha, wuxuuna ugu baaqay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya & Dowlad Goboleedka Jubbaland inay ai deg deg ah ugu soo gurmadaan dadka ay saameeysay abaarta.

Degaano badan oo ka tirsan Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ka jiray abaar saameeysay dadka iyo Duunyada, iyada oo dadka qaarkood ee Xoolo dhaqatada ah ay bilaabeen inay ka barakacaan degaannada ay kajirto abaarta.