(Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Qaramada Midoobay ayaa ka digeysa dhibaatooyin caafimaad iyo macluul daran oo ka dillaaca waddanka South Sudan, xilli ay sidoo kale dhici karto in xaaladda dalkaasi ay uga sii darto duufaanta El Niño, oo ah cimilo wadata kuley iyo roobab xad-dhaaf ah.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 6.3 milyan oo dadka South Sudan ah ay la il-daran yihiin gaajo aad u daran, iyada oo in ka badan 9 milyan oo ka mid ah dadka dalkaas oo 12 milyan ah ay ku tiirsanaan doonaan gargaar bani’aadannimo.