QM oo Ka Digtay Fatahaado Ka Dhaca Soomaaliya

0
169

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in 150.000 oo qof oo Soomaali ay halis ugu jiraan saamayn ka dhalata fatahaado laga cabsi qabo in ay sameeyaan webiyada xilli ay dalka ka da’ayaan roobab lixaad leh.

Madaxa Hay’adda Cunnada iyo Beeraha Adduunka ee FAO, Ezana Kassa ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in la joogo xilligii laga shaqeyn lahaa badbaadada iyo bedqabka dadka ku saamoobi doona fatahaadahan oo ah kuwo aan horay loo arkin.

FAO ayaa sheegtayin ay sare u kaceen heerka biyaha ee webiga Shabeelle taas oo ay sababeen roobabka haatan ka da’aya dalka iyo biyo badan oo ka imanaya buuraleyda Itoobiya.

Magaalooyinka Jowhar iyo Baladweyne ayaa haatan cabsi badan laga qabaa in uu webigu ku fataho ayna ka dhalato xaalada bani aadannimo.

Inkasta oo 24-kii saac ee la soo dhaafay ay kordheen biyaha wabiga Jubba, hadana FAO waxay ay sheegtay in khatarta fatahaadda ay ka jirto degmooyin ay ka midtahay Dooloow.

Sidoo kale FAO ayaa sheegtay in la joogo xilligii laga baaraandegi lahaa yareynta halista fatahaadaha sida dib u habeyn lagu sameeyo biyo xireennada webiyada si loo yareeyo barakaca dadweynaha ku nool jiinka webiyada.