Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Iiraan waxa ay awood u leedahay in ay mar kale billowdo tayeynta yuraaniyumta – si ay u noqoto bam suurtagal ah – “muddo bilo gudahood”, ayuu yiri madaxa hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan ilaalinta nukliyeerka.
Rafael Grossi, oo ah madaxa hay’adda Tamarta Nukliyeerka ee Caalamiga ah (IAEA), ayaa sheegay in duqeymaha Mareykanka ee saddex goobood oo Iiraan ah toddobaadkii hore ay sababeen khasaare ba’an, laakiin “aan wada ahayn” waxyeello, taas oo burinaysa sheegashada Donald Trump ee ah in xarumaha nukliyeerka ee Iiraan “gabi ahaanba la baabi’iyay”.
“Haddii aan si daacad ah u hadlo, qofna ma sheegan karo in wax walba ay meesha ka baxeen oo aysan waxba ka jirin,” Grossi ayaa yiri Sabtidii.
Israa’iil waxay weerartay xarumaha nukliyeerka iyo militariga ee Iiraan 13kii Juun, iyadoo ku andacoonaysa Iiraan inay ku dhowdahay inay sameysato hub nukliyeer ah. Mareykanka ayaa markii dambe ku biiray duqeymaha, isagoo bambaanooyin ku tuuray saddexda xarumood ee nukliyeerka ee Iiraan: Fordo, Natanz iyo Isfahan.
Wixii intaa ka dambeeyay, heerka dhabta ah ee waxyeellada ma caddeyn.