Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxa bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay Tom Fletcher ayaa sheegay in hadalka wadajirka ah ee ka soo baxay UK, France iyo Canada uu yahay “hadal adag”.
“Waa xiriirinta xaaladda bini’aadantinimo ee wadajirka ah,” ayuu yiri.
Laakiin wuxuu sheegay in “tijaabada dhabta ah” ay tahay in QM ay heli karto gargaar dheeraad ah, ka dib xannibaadda 11-ka toddobaad ah ee Qasa saarneed.
Waxa uu sheegay in Qaramada Midoobay ay “ka dalbanayso” in dunidu “ay nagu taageerto” in ay Israa’iil ku riixdo in ay u ogolaato gargaar dheeraad ah oo gaara dadka “gaajaysan”