Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Qiimaynta lagu samaynay ciyaartoyda boos walba ayaa sii socota, waxaana maanta aanu idiin soo gudbinaynaa 25ka kubbad sameeye ee ugu fiican adduunayda waqtigan, kuwaas oo ka dheela horyaallada waaweyn ee Yurub.
Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa ay ka dheelaan kubbad-sameeyeyaasha ugu fiican waqtigan, waxaanay xoogsadeen saddexda kaalmood ee ugu sarreeya.
Kevin De Bruyne ayaa noqday kubbad-sameeyaha ugu wanaagsan adduunyada, waxaana muuqata in aanu muran badan ka taagnayn in booskaas uu isagu yeesho waqtigan maadaama uu tiir-dhexaad u ahaa guulihii waaweynaa ee ay gaadheen xilli-ciyaareedkii tegay ee Champions League, Premier League iyo FA Cup.
Laga soo bilaabos annadkii 2015 oo uu ku biiray Man City, De Bruyne ayaa ka mid ahaa xiddigaha ugu fiican booskiisa, waxaana kaalinta labaad ku jira Bruno Fernandes oo Manchester United tiir-dhexaad u noqday isla markii uu kusoo biiray, sidoo kalena loo magacaabay kabtanka rasmiga ah.
Kubbad-sameeyaha Arsenal ee Martin Odegaard oo isaguna si degdeg ah hoggaamiye ugu noqday Arsenal oo uu uga soo wareegay Real Madrid ayaa kaalinta saddexaad soo cidhiidhsaday.
Halkan kaga bogo 25ka ciyaartoy ee ugu wanaagsan adduunyada ee kubbad-sameeyeyaasha ah
25. Pedro Goncalves
24. Morgan Gibbs-White
23. Eberechi Eze
22. Julian Brandt
21. Mohammed Kudus
20. Nabil Fekir
19. Kai Havertz
18. Lorenzo Pellegrini
17. Paulo Dybala
16. Dani Olmo
15. Phil Foden
14. Joao Felix
13. Christopher Nkunku
12. Florian Wirtz
11. Dominik Szoboszlai
10. James Maddison
9. Xavi Simons
8. Thomas Muller
7. Gavi
6. Julian Alvarez
5. Jamal Musiala
4. Antoine Griezmann
3. Martin Odegaard
2. Bruno Fernandes
1. Kevin De Bruyne