Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Magaalada dhoobley ee gobolka jubada hoose ayaa waxaa maalmihii u danbeeyay laga dareemayay sare u kac balaadhan oo ku yimid qiimaha la iibiyo Shidaalka iyadoo uu Saameyn Ku yeeshay Gaadiidleyda iyo sidookale bulshada deegaanka ee isticmaasha gaadiidka.
Hadaba qaar kamud ah gaadiidlayda deegaanka dhoobley oo radio sanguuni lahadlay ayaa waxa ay kawarbixiyeen saamaynta uu ku yeeshay gaadiidlayda deegaanka dhoobley sare u kaca ku yimid qiimaha shidaalka iyagoo ganacsatada ugu baaqay in laga khafiifiyo qiimaha shidaalka.
Dhanka kale maxamed axmed xasan oo kamid ah bulshada deegaanka ee isticmaasha gaadiidka ayaa dhankiisa cabasho ka muujiyay Qiimaha Tagaasida lagu raaco Dhoobley oo kor u kacay.
Khadar Axmed Salaan. ayaa ka warramaya