Qiimaha Shidaalka oo Kor Uga Kacay Suuqyada Dhoobley

0
221

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Maalmihii la soo dhaafay Magaalada dhoobley ee gobolka jubada hoose waxaa ka jiray sare u kac ku yimid qiimaha shidaalka la iibiyo taasi oo saameysay ganacsatada shidaalka Iyo Gaadiidleyda.

Ganacsatada shidaalka ayaa sare u kaca shidaalka u sababeyay in uu ka yaraaday meelihi uga imaan jiray.Qaar kamid ah ganacsatada shidaalka ayaa warbaahinta sanguuni uga warbixiyay saameynta uu ku yeeshay ganacsigooda qiimaha shidaalka ee kor u kacay.

Dhanka kale qaar kamid ah Gaadiidleyda magaalada dhoobley ayaa geestooda sheegay in saameyn ballaadhan uu ku yeeshay sare u kaca ku yimid qiimaha shidaalka.

Maxamed Cali Samow. ayaa ka warramaya