Qiimaha Shaaha oo kor u kacay Makhaayadaha Deegaanka Dhoobley.

0
513

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Qiima kororka ku yimid sonkorta ayaa saamayn aad u balaadhan ku yeshay haweenka ka ganacsada karinta shaaha ee ku nool Magalada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose kuwasi oo aan awodiin in ay qiime sare ku soo iibsadaan sonkorta.

Haweenkan ka ganacsada shaaha ayaa sheegay in mararka qaar ay caqabado kala kulmaan macaamisha ku xiran madaama ay Sara u qaadeen iibka shaaha taasi oo ay sheegeen hadii ay iibiyaan qiimihii hore in una ganacsigoodu hoos u dhac ku imanayo.

Qaar kamid ah haweenka nolol maal-meedkooda ka soo saarta karinta Shaaha ayaa sharaxaad ka bixiyay saamaynta ay ku yeelatay Sara u kaca ku yimid qiimaha sonkorta taasi oo sababtay in shaha ku iibiyaan qiima sare.

Dhanka kale iyagana waxaan geestooda wareysi la yeelanay qaar kamid ah macamiisha kuxiran haweenka iibiya Shaaha oo an kawareysanay sida uu u sameysey sare u kaca ku yimid shaaha.

Xassan Muxumed waa mid kamid ah ganacsatada iibiya sonkorta iyo noocyada kale maciishada waxaa u kawarbixinayay waxyaabaha sababay sare u kac ku yimid qiimaha maciishada gaar ahaan Sonkorta.

Fardowsa Axmed Cabdi. ayaa warbixintan inooga diyaarisay