Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Lacagta Ingiriiska ee Pound-ka ayaa gaartay halkii ugu hooseysay dhinaca sarrifka muddo 37 sannadood ah, xilli suuqyada maal-gashiguna ay ka falceliyeen cashuur dhimistii ugu weyneyd ee ay dowlada Britain sameysay.
Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyada oo billihii ugu danbeeyey ay qiimaha maciishada iyo shiidaalku ay si aad ah kor ugu kacayeen.