Qiimaha Raashinka Suuqyadda Magaalada Muqdisho oo Sare kac xooggan laga dareemaayo.

0
420

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Sare u kac Xoogan ayaa malmahan laga daremayaa raashinka qutul duruuriga ah suuqyada magalada muqdisho iyadoo shay kasto uu noqday mid qaali ah.

Qaar kamid ah ganacsatada oo warbaahinta la hadlay ayaa kawaramay Qaybaha sare u kaca ku yimid iyagoo sheegay in sare u kaca uu saameyay Qaybaha kala duwan ee raashinka sida saliida bariiska baastada iyo shidaalka Iyo sidoo kale badeecooyinka kale ee ay shacabka u baahanyihiin Iyagoo islamarkaana Carabka ku dhuftay Badeecada sida ay ahayd sare u kaca kahor iyo hada sida ay tahay.

Arimaha sare u kaca badeecooyinka ayaa waxaa sabab u ah dagaalada kasocda dunida canshuurta dekadaha oo qaali ah Caabuqa Covid 19 Iyo sido kale abaaraha dalka kajira

Fardowsa Axmed Cabdi. ayaa warbixintan ku eegeysa