Qiimaha lagu Kireysto Guryaha Degmada Dhoobley oo Sare u kacay.

0
213

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kireynta guryaha magaalada Dhoobley waa kuwo is bed-bedala sanad walba, guryahaha qaar ayaa magaalada dhoobley waxaa lagu kireeyaa qiima sareeya kuwana waa kuwa qiimqhoodu hooseeyo.

mararka qaar waxaa dhacda in kireystaha guriga isaga baxo sababta ayaa la xiriirta lacago dheeraad ah lagu daro guriga, iyadoo sanadkii uu dego wax ka badan 10 guri.

Kireynta guryaha waa kuwo kala dabaqad duwan, waa kuwo dabaqadda Koowaad ah iyo dabaqada Labaad ah.

Cabdi Cabdullahi waxaa uu kamid yahay Dadka guryaha kireeyo waxaan ka waraysanay waxyaabaha keenay in ay qaali noqdaan kireynta guryaha xaafadaha ku yaala magaalada dhoobley.

Dhanka kale waxaan iyadana waraysi la yeelanay Sawda adan oo kamid dadka Kirestayaasha ah ee Dagan xafadaha Dhoobley, sawda ayaa inooga warbixsay Caqabada ay kala kulantay dagitaanka guryaha kirada ah.

Wadamada horumaray ee dunida ayaa marka aad fiiriso qiimaha lagu kireeyo guryaha waxa ay yihiin kuwo jaban marka aad joogto Soomaaliyana waxaa dhibaato ka kajirta kireynta guryaha oo u muuqato mid aanan waxna laga qaban karin.

Fardowsa Axmed Cabdi. ayaa warbixintan inooga diyaarisay