Qiimaha la kala siisto Caanaha Xoolaha ee Deegaanka Dag-alima oo sare u Kac ku yimid.

0
173

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Deegaanka Dag-alima oo dhaca dhanka Konfureed ee Magaalada Dhoobley ayaa mudooyiinki u dambeeyay laga dareemayay sare u kac qiimaha caanaha xoolaha ah taasi oo ay dadka iibiya Caanaha ay u sababeeyeen abaarta kajirta dalka.

Maadaama xiliyadii hore caanaha xoolaha qiimahoodu uu ahaa mid iska sahlan hada ayaa galaaska caanaha lakala siisanayaa ilaa 13 kun oo shilinka Soomaaliga taas oo ay dadka iibiya ay u sababeeyeen Roob la’aanta kajirta Deegaanka.

Qaar kamid ah haweenka iibiya caanaha oo Radio Sanguuni la hadlay ayaa inooga warbixiyay waxyaabaha iskabadalay qiimaha lakala siisto caanaha

Cabdullahi Cabdicasiis Siraad. ayaa ka warramaya