Qiimaha khudaarta Suuqyada Magaalada Dhoobley oo sara ukac laga Dareemayo.

0
250

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Sare u kac balaadhan ayaa laga daremaya qiimaha khudaarta lagu kala iibsado ee suyadaha Magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose waxana ganacsatada khudaarta sheegen in sare u kac uu keenay Roobabkii deyrta ee ka da’ay Deeganada Jubbaland.

qaar kamid ah dadka ka ganacsatad suuqa khudaarta ee Magaalada Dhoobley ayaa sheegey in sare u kaca ku yimid qiimaha khudaarta ay keentay abaaraha kajira dalka gaar ahaan Deeganada Jubbaland iyaado tasina uu si dheer tahay jidadka soo gala Dhoobley oo ay xidheen Robabka ka da’ay Dowlad Goboleedka Jubbalaand.

Sido kale haweenka ka ganacsada khudaarta ayaa cabasho ka muujiyay goobaha ay ku ganacsadaan oo ay wajahadoda fadhisteen biyihii Robabka da’ay, iyago sheegay in ayna jirin goobo ay macaamiishoodu u soo maraan Maadamo ay xidhmeen dhamaan Wadooyinkii soo gali jiray Suuqa khudaarta.