Baladweyne (Radio Beerlula)- Paul Gicheru oo ah qareen baxsad ahaa oo u dhashay Kenya ayaa isu soo dhiibay Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyada (ICC) shan sano kaddib markii ay makamaddu soo saartay amar lagu soo xirayo.
Gichuru ayaa loo heystaa ku lug lahaansahaha rabshadihii dalkaasi ka dhacay xilligii doorashada ee 2007-dii.
Maxkamadda ayaa Paul Gicheru iyo labo kale ku xukuntay inay ku xadgudbeen caddaaladda, isla markaana ay faragelin ku sameeyeen marqaatiyada dacwad oogaha ee kiiskii loo heystay dadkii soo qaban qaabiyay isla markaana maalgeliyay rabshadahaas oo dhacay 2007.
Wargeyska The Star ee dalka Kenya ayaa ku warramay in in ka badan 1,000 qof ay ku dhinteen rabshadahaas, 900 oo kiis oo isugu jira kufsi iyo tacaddiyo kale ayaa sidoo kale la diiwaan geliyay, waxaana ku barakacay dad gaaraya 350,000 oo qof.
Maxkamadda ayaa ku eedeysay Gicheru iyo labo qof oo kale inay ku howlanaayeen laaluush siinta marqaatiyada si ay uga laabtaan kiisaska walow uusan arrintaasi ka jaawabin eedeysanaha
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto waxay ka mid yihiin lix qof oo ay arrintaasi u heysato maxkamadda ICC.
Sanado kaddib dacwad oogaha ayaa ka laabatay dacwadda ka dhanka ah Kenyatta iyo Ruto.