Qaramada Midoobay oo tallaabo degdeg ah ku baaqday ka dib boqolaal qof oo lagu dilay Suuriya

0
40

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Qaramada Midoobay ayaa dowladda ku meel gaarka ah ee Suuriya ugu baaqeysa inay qaado “tallaabo degdeg ah oo lagu ilaalinayo dadka shacabka ah ee Suuriya”, ka dib markii ay dalk ka dhaceen mowjado rabshado ah oo ka dhan ah bulshada Calawiyiinta.

Ugu yaraan 1,000 oo qof oo bulshada Calawiyiin ah, oo ay ku jiraan carruur, ayaa la dilay dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay, sida ay sheegtay kooxda la socota xuquuqda aadanaha ee Suuriya, balse BBC-da ma aysan awoodin inay si madax bannaan ah u xaqiijiso tirada dhimashada.

Madaxtooyada dalka Suuriya ayaa ku dhawaaqday in la sameeyay guddi cusub oo baaritaan ku sameeya weeraradaasi lala beegsaday bulshadaas.

Rabshadaha ayaa billowday ka dib markii kooxo daacadda u ah madaxweynihii hore ee Bashaar Al-Asad oo xilka laga tuuray bishii Diisembar, ay ay weerarro gaadmo ah ku qaadeen ciidamada dowladda Khamiistii la soo dhaafay.

Calawiyiinta waa bulsho laga tiro badan yahay oo Shiicada Muslimiinta ah, kuwaas oo qoyska Asad ka soo jeedaan.