Qaramada Midoobay oo ka digtay in Koofurta Sudan ay qarka u saaran tahay burbur.

0
91

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Qaramada Midoobay ayaa shalay walaac xooggan ka muujisay xaaladda ka sii dareysa ee Koonfurta Suudaan, iyagoo ka digay in horumarradii u dambeeyay ay halis ugu jiraan inay dalka ku riixaan colaad hor leh.

afhayeenka Xoghayaha Qaramada Midoobay, Stephane Dujarric ayaa ku sheegay shir jaraa’id in dalkaasi uu ku sii dhowaanayo burbur iyo dagaal sokeeye iyo in sidoo kale meesha ay ka baxaan  heshiiskii nabadda ee la saxiixay 2018.

Afhayeenka ayaa ku booriyay hogaamiyayaasha Koonfurta Sudan madaxweyne Salva Kiir iyo madaxweyne ku xigeenka koowaad Machar in ay si nabad ah ku xalliyaan wixii cabashooyin ah ee jira.

Illaa 9.3 milyan oo qof oo ku nool Koonfurta Suudaan ayaa u baahan gargaar bini’aadanimo  sababo la xiriira colaadaha socda, khalkhal dhaqaale iyo caqabadaha cimilada.