Qaramada Midoobay oo ka cabsiqabta in 670 qof ay ku hoos jiraan dhulka soo dumay

0
54

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-670 qof ayaa lagu qiyaasay in ay ku hoos jiraan dhulka soo dumay Papua New Guinea sida ay Qaramada Midoobay sheegtay.

Madaxa ururka caalamiga socdaalka ee Papua New Guinea, Serhan Aktoprak, ayaa sheegay in waxyeelada ciida soo duntay ay ka weyn tahay inta markii hore la filayay.

“Guryo lagu qiyaasay 150 in ka badan ayaa aasmay” ayuu yiri Mr Aktoprak oo intaas ku daray in weli ciidda ay jilicsan tahay sidaa darteedna ay shaqaalaha gurmadka degdegga ay halis ku jiraan.

Ilaa iyo 4,000 ayaa ku noolaa meelaha u dhow dhulka ciidda soo duntay.

Mr Aktoprak wuxuu sheegay in caawiyayaasha ay adeegsanayaan wax kasta oo muhiim u ah sidii lagu soo bixin lahaa dadka xaniban.

“Si dadka u soo saaraan meydadka ciidda ku hoos jira waxay adeegsanayaan wax kasta”

Care Australia oo gacan ka geysaneysa howlaha gargaarka ayaa ka digtay in tirada ay saameysay musiibadan ay suurgal tahay in ay badato sababtuna waxay ku sheegtay dad badan oo ka soo qaxay dagaalada qabaa’ilka ee ka dhacaya meelaha u dhow.