Qaramada midoobay oo baaq ka soo saartay xaalladda dalka Kazakhstan

0
225

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Qaramada midoobay iyo aqalka cad ee looga arimiyo dalka maraykanka ayaa ugu baaqay masuuliyiinta dalka Kazakhstan inay xakameeyaan wax ka qabashada mudaharaado rabshado wata oo ka socda dalkaas,ka dib markii dowladda Kazakhstan ku dhawaaqday xaallad deg deg ah.

Afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric, ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyadu in ay is xakameeyaan, kana fogaadaan rabshadaha oo ay horumariyaan wadahadalka.

Xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad Jen Psaki, ayaa sidoo kale sheegtay in Maraykanku uu taageerayo “baaqyada deganaansho” waxayna sheegtay in mudaaharaadayaashu ay awood u yeeshaan inay “si nabad ah isu muujiyaan,” iyadoo ku boorisay mas’uuliyiinta “in ay dhankooda is xakameeyaan.”

Maamulka dalka Kazakhstan ayaa jaray internet-ka iyo taleefoonnada gacanta ee dalka oo dhan, waxaana ay horay ugu dhawaaqeen xaallad degdeg ah oo ka jirta xudunta isu soo baxyada oo ah caasimadda dhaqaalaha  Almaty iyo gobolka Mangystau,mudaharaadkan ayaa ka dhashay ka dib markii sare u kac ku yimid qiimaha shidaalka.