Qaar kamid ah Haweenka ku nool Xaafada Danwadaag ee Dagmada Dhoobley oo ka warbixiyey dhibaatooyinka ay ka maraan Dhar dhaqasita.

0
181

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Qaar kamid ah Haweenka ku nool xaafada danwadag ee dagmada dhoobley ayaa nolosha reerkooda ka dabara dhaqista dharka, iyagoo mararka qaarna ay waayan.

Si ay nolosha qoyskooda u mareeyaan ayaa waxay maalin kasto uu shaqo tagan xaafadaha magalada dhoobley iyagoo markaasi raadiya cid ay shaqo u qabtaan.

Haweenkan ayaa dharka u dhaqa dad si gaar ah ula soo xiriira kuwasi oo kula heshiiya qiimo gooni ah halka kuwa kalana ay radiiyan si ay u heelan dad bahii u qabo in dhar loo dhaqo.Qaar kamid ah haweenkaasi ayaa warbahiinta sanguuni uga warbixiyay shaqadooda iyo caqabadaha ay kala kulmaan.

Duruufaha ku xeeran nolosha reerkooda ayaa haweenkan ku kaliftay inay haweenka asaagoood oo kale ah dharka u dhaqan islamarkaana guryaha uga shaqeeyaan iyadoo lacagaha ay ka helaan ay ku mareeyaan nolol maalmeedka qoyskooda.

Naxwo Axmed Kadiye. ayaa ka warramaysa.