Qaar kamid ah dadkii ay saameysay abaarta ka jirta dalka ee ku sugan deegaanka Kaawada-Badar oo gargaar deg deg ah ka codsaday Jubbaland iyo hey’adaha samafalka.

0
196

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Bulshada ku nool Deegaanka Kaawada-badar oo dhanka konfureed qiyaastii labo kilo mitir ka xiga magaalada Kismaayo ayaa waxaa soo food saartay xalada Bini’adanimo kadib markii ay ka dhamadeen xolohii ay dhaqan jireen.

Deegaanka Kaawada-badar ayaa hoy u ah Inkabadan 30 qoos oo ka soo barakacay Deegaanada Fuumo, Jiroole, Yaaqbuuli,Madhawo, iyo Deegaano kalo badan.

Waxana iskugu darsamay Biyo la’aan Daryeel Caafimaad oo ayna heysanin iyo hooy xumo baahsan.

Qaar kamid ah Barakacyaasha oo warbaahinta lahadalay ayaa ka sheekeyay Baahiyahooda iyagona Dowalda Fadaraalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Jubbalaand iyo Haa’yadaha samafalka ka codsaday in lala soo gaaro gar-gaar Bini’adanimo.

Xasan Maxamed Cabdulaahi.ayaa warbixintan ku eegaya.