Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa diiday soo-jeedimaha Reer Galbeedka ee ku saabsan in la geeyo “ciidan xaqiijinaya ammaanka” Ukraine maalinta xigta marka xabbad-joojin la gaaro, kadib shir ka dhacay magaalada Paris oo lagu doonayay in lagu dhameystiro qorshayaasha dammaanad-qaadka amniga.
Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay in 26 ka mid ah xulafada Ukraine ay si rasmi ah uga go’an tahay inay ciidamadooda geeyaan “dhul, bad iyo cirba” si ay gacan uga geystaan sugidda ammaanka xilliga uu dagaalka istaago.
Macron ma uusan shaacin magacyada dalalka ku lugta leh qorshahan.
Putin ayaa isku dayay inuu joojiyo dadaalkaas, isagoo digniin u diray in ciidamo kasta oo la geeyo Ukraine ay noqon doonaan “bartilmaameed sharci ah,” gaar ahaan haddii ay hadda muuqdaan, inkasta oo aan jirin qorshe deg-deg ah oo ciidan lagu dirayo.