Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-markii ugu horeesay bulshada Puntland waxa ay doonayaan inay doorasho qof iyo cod ah ay ku soo doortaan matalayaasha masiirkooda siyaasadeed tan iyo aasaaskii Puntland laguma guulaysan in awooda shacabka dib loogu celiyo oo ay soo doortaan cida ay doonayaan.
Waxaa laga sameeyay Degmooyinka Eyl Qardho iyo Ufayn oo furaha u noqonaya hirgalka hanaanka dimuqraadiyadeed ee Puntland tirakoob, Diiwaan galin ku salaysan hab casriya, wacyi galin ku saabsan habka codaynta, kala doorashada iyo qaybinta kaararkii codadka ee codbixiyaasha kuwaasi oo kala dooran doona 9 urur siyaasadeed oo ka soo baxay shuruudihii ururnimo.
Soo jireenka iyo oday dhaqameedka oo culays badani soo wajihi jiray xilliyada doorashada ayaa u arka fursad cadalad lagu heli karo tilmaamayna inay tani tahay fursadi lagu heli lahaa matalaad shacab oo dhab ah.
Dhallinyarada ayaa dhankooda gacmo furan ku wajahay hirgalka hanaan doorasho qof iyo cod ah maadaama ay sanado badan tirsanayeen matalaad la aan siyaasadeed iyo inay banaanka ka joogeen guda galka maamulada kala duwan ee dalka.
Urur siyaasadeedyada kala duwan ee Puntland ayaa dhankooda degmooyinka Eyl, Qardho iyo Ufayn ku soo bandhigay isu soo baxyo ay taaageerayaashooda kula hadlayeen kuna soo bandhigayeen siyaasadahoda iyo wax qabadyadooda oo wada jira balse ogow go’aanka kala doorasho waxaa iska leh bulshada Dagmooyinkaas.
25ka October ee sanadkan ayey u asteeyeen Guddiga KGM ah ee Doorashooyinka Puntland inay dhacdo doorashada Golayaasha deegaan ee saddexdaasi degmo ahna mid siwayn looga dhursugayo natiijada ka soo baxda.