Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa soo saartay kiisaskii ugu dambeeyay ee laga helay Soomaaliya ee cudurka Karoonaha, waxaana wasaaradda ay sheegtay in sare u kac uu jiro maadaama dalka laga helay 24 qof saacaddihii lasoo dhaafay.
Tirada 24 saac ee ugu dambaysay laga baaray COVID-19 guud ahaan wadanka: 791
o Laga Helay: 24
o Puntland: 21 (Natiijada baaritaanada 2 maalin)
o Banadir: 2
o Somaliland: 1
o Lab: 13
o Dhedig: 11
o Bogsashada: 2
o Dhimasho:2 (Puntland:1, Somaliland:1)
Tirada Guud ee Laga Helay: 15,060
Bogsashada Guud: 7,263
Dhimashada Guud: 779