PSG Oo Rikoodhayaal Ku Reebtay Liverpool.

0
32

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda PSG ayaa garaacday Liverpool iyaga oo iska xaadiriyay Quarter-Final-ka champions League.

PSG ayaa daqiiqadii 12-aadba dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Dembele kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Labada kooxood ayaa u dagaalamay sidii ay u dhalin lahaayeen goolal kale laakiin uma suurtagalin.

Ciyaarta ayaa ku dhamaatay 1/0 ay PSG ku badisay waxana ay ciyaartu ku dhamaatay bar-baro labada kulan ah.

Rikoodhayaal ayaa la iska aaday waxana ay guushu ku raacday PSG iyada oo laba xiddig oo Liverpool ah laga qabtay rikoodhada.