Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Bayern Munich ayaa guul muhiim ah ka gaartay PSG oo marti loo ahaa kulankii lugta hore ee wareega 16ka Champions League ka dib markii ay gool iyo waxba ku suuldaareen.
Gool uu qeybtii labaad dhaliyay xiddigii hore ee PSG Kingsley Coman ayaa Bayern Munich ka saaciday guusha, iyadoo Bayern Munich ay jabisay rikoodhkii guuldarro la’aanta PSG ee gurigeeda. PSG gurigeeda loogama badinin 40kii kulan ee ugu danbeysay tartamada oo dhan. Bayern Munich ayaana noqotay kooxdii ugu horeysay ee Parc des Princess ku badisa tan iyo bishii April 2021kii markaasoo Man City ay ku badisay.
Hal koox ayaa garoonka u soo gashay inay badiso qeybtii hore waxayna aheyd Bayern Munich kuwaasoo kubada inteeda badan heysatay islamarkaana riski u galayay inay weeraro qaadaan.
PSG waxay qeybtii hore aheyd mid sugeysa kaliya kubada islamarkaana dooneysay inay ciyaarto kubad rogaalcelis degdeg ah. Hal darbo xitaa ma aysan helin kooxda martida loo ahaa qeybtii hore. Waxaa qeybtii hore lagu kala nastay barbaro goolal la’aan ah.
Daqiiqadii 63aad Bayern Munich ayaa ku dhawaatay inay hesho goolkeedii labaad, iyadoo Choupo-Moting uu darbo gool loo fishay ku tuuray shabaqa, waxaa gacanta ku taabtay goolhaye Donnarumma ka hor inta aysan birta ku dhicin.
PSG waxay ku qaadatay daqiiqadii 75aad iyo xiddig dhaawacan oo bedel ku soo galay Kylian Mbappe inay fursadeedii ugu horeysay ee goolka ay hesho.
Daqiiqadii 82aad Kylian Mbappe ayaa mooday inuu kooxdiisa u barbareeyay ciyaarta markii uu shabaqa ku hubsaday karoos uu u soo dhigay Mendes, laakiin VAR ayaa goolka diiday madaama Mendes uu offside ahaa.
Dhamaadkii ciyaarta Pavard ayaa casaan ku qaatay qalad uu ku galay Lionel Messi iyadoo ciyaarta ay ku soo dhamaatay 1-0 oo ay Bayern Munich ku badisay.
Dhanka kale AC Milan ayaa guul muhiim ah ka gaartay Tottenham oo ay 1-0 ku garaaceen lugta hore ee wareega 16ka Champions League oo ka dhacday San Siro.
Diaz ayaa hogaanka u dhiibay ka dib markii madax ku dhaliyay kubad soo noqotay ka dib badbaadin uu sameeyay goolhaye Forster.
Qeybtii hore Spurs wax hanjabaad weerar ah ma aysan geysanin inkastoo ay kubada la qeybsanayeen kooxda faca weyn ee Talyaaniga.
Qeybtii labaad natiijada waxba iskama bedelin inkastoo AC Milan ay heshay fursado goolal loo fishay oo ay ciyaarta hurdo ugu diri kareen.
Waxayna ciyaarta ku soo dhamaatay 1-0 oo ay Rossoneri ku garaacday Tottenham.