Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda PSG ayaa garaacday Arsenal iskana xaadirisay final-ka champions League kulan xiiso lahaa oo ka dhacay Paris.
Kulanka ayaa ku bilowday si dar-dar leh iyada oo Arsenal si joogto ah fursado u samaynaysay iyaga oo cidhiidhi galiyay kooxda PSG.
Laakiin Arsenal ayaa ku fashilantay in ay goolal u badasho fursadihii ay helaysay iyada oo PSG Daafac adag ku jirto.
Daqiiqadii 27-aad ayay PSG dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Fabian Ruiz kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0 ay kooxdiisu ku hogaaminayso iyo waliba 2/0 ay kooxdiisu ku hogaaminayso labada kulan.
Qaybta hore ayaa sidaas ku dhamaatay iyada oo ay Arsenal ku dhibaatootay in ay goolal ka dhaliso fursadihii waalida ahaa ee ay helayeen.
Kooxda PSG ayaa qaybtii dambe ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo doonayay in ay dilaan ciyaarta isla markaas dhaliyaan goolal kale.
Daqiiqadii 72-aad ayay PSG dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga daafaca ka ciyaara ee Achraf Hakimi kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.
Kooxda Arsenal ayaa daqiiqadii 76-aad dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Bukayo Saka kaas oo ka faa’iidaystay khalad ka dhacay daafaca kooxda PSG.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Arsenal ka hadhay tartanka champions League iyada oo PSG iska xaadirisay Final-ka Champions League.