Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain ayaa barbarro ka tuugtay Monaco oo marti ugu ahayd Parc des Princes, kulan kusoo dhamaaday 1-1 oo waqti hore kooxda xiddigaha waaweyn isku urursadeen lagaga naxsaday gool niyad-jab ku riday oo waqti dambe ay iska soo badeen.
Paris Saint-Germain oo garoonkeeda ku martigelisay Monaco ayaa lumisay labadii dhibcood ee ugu horreeyey ee xilli ciyaareedkan afar kulan oo ay dheeleen horyaalka Ligue 1.
Monaco ayaa daqiiqaddii 20aad la timid goolkeeda oo ay hoggaanka ku haysay illaa laga gaadhayay dhamaadka ciyaarta oo ay labaatan daqiiqadood ka hadhsan tahay, markaas oo rikoodhe loo dhigay ay PSG ku heshay goolka barbarraha oo uu u dhaliyey Neymar.
Kulan xamaasaddiisu aad u sarraysay oo ciyaartoyda dhawr jeer ay isku buuqeen oo la kala qabtay ayay inta badan maamulaysay Paris Saint-Germain oo laba jeer birta garaacday qaybtii hore.
Kylian Mbappe ayaa khasaarihii sannadka sameeyey markii kubbad uu Lionel Messi birta ka jaray uu goolka hortiisa ka helay ee isaguna uu birta la eegtay, qaybtii horena, sidaana uu ku lumiyey fursaddii ugu fiicnayd ee soo martay kooxdiisa.
Volland ayaa naftii hure noqday oo u badheedhay khatarta difaaca, waxaanu ku dhaawacmay goolkaas isaga oo dabbaal-deggaba awoodi waayey in uu kasoo laabto.
Daqiiqaddii 45aad ayuu Lionel Messi bannaanka ka toogtay kubbd madfac oo kale ah oo awood badnayd, waxaanu ka jaray birta dhinaca midig ee goolhayeyaha, waxaanay kubaddu kusoo noqotay goolka hortiisa oo uu kula kulmay Kylian Mbappe oo ku celiyey goolka oo tallaabooyin u jiray, hase yeeshee waxay isagana kaga dhacday birta.
Markii lagu soo noqday qaybta labaad ayay Monaco u dhowaatay inay hesho goolkeedii labaad, waxaana kubbad uu Donnarumma goolkiisa kasoo baxay ka dul-qaaday Ben Yedder hase yeeshee waxyar ayay ka dallacantay. Alla maxay fursad ahayd!!
Monaco oo daliishanaysay rikoodhkeeda cajiibka ah ee 17 kulan oo horyaalka ah oo ay qaybtii hore gool al hormaray oo aan laga badinin ayaa waxa ka rumaysay rikoodhkeedaas oo ay diidday in PSG ay ka jabiso.
Difaac adag iyo khadka dhexe oo ay ku dagaallameen ayay ku soomiyeen Lionel Messi, Kylian Mbappe iyo Neymar illaa laga soo gaadhayay daqiiqaddiii 70aad, kaddib markii qalad algu galay Neymar.
VAR oo laga soo hubiyey ayaa garsooraha ku waafaqday in uu qalad jiray, waxaana kubadda soo qaatay Neymar oo gool u beddelay rikoodhahaas isaga oo toogtay dhinaca midig ee goolhaye Nubel.
Kylian Mbappe ayaa lumiyey fursad kale, waxaana kubbad madaxa loo saaray uu dhinac mariyey birta, ka hor intii aanay bilaabanin daqiiqaddii riwaayadda oo ay ciyaartoyda labada kooxood gacmaha iskula tageen, isla markaana uu garsooruhu ku dhameeyey qaab deggenaan ah iyo laba kaadh oo digniin ah.
Labada kooxood ayaa dhibcaha ku qaybsaday barbarro 1-1 ah, waxaanay natiijadani ka dhigan tahay in PSG ay hoggaanka horyaalka hayso oo ay leedahay 10 dhibcood oo ay ka xoogsatay afar kulan oo ay dheeshay, halka Monaco ay kaalinta 12aad fadhido oo ay shan dhibcood oo kaliya ka xoogsatay afartii kulan ee ay ciyaartay.