PSG Mise Arsenal? Kooxdee Ayay Inter Milan Doonaysaa Final-ka Champions League.

0
11

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Labada xidig ee kooxda Inter Milan ayaa ra’yigooda ka dhiibtay kooxda ay jeclaan lahaayeen in ay ku wajahaan finalka Champions League ka dib markii ay soo dhaafeen kooxda Barcelona oo ay wada ciyaareen semi-final aad u xiiso badan.

Kulan xiiso badan leh oo la kala dhaliyay 7 gool ayay Inter Milan guusha gaadhay kadib gool ay dhalisay daqiiqadii 93-aad ee wakhtigii dheeriga ahaa si ay u gaadhaan Final-ka champions League.

Waxa ay finalka wajihi doonaan midkood Arsenal ama Paris Saint-Germain, kooxda soo badisa kulanka caawa ka dhici doona garoonka Parc des Princes.

Goolhayaha reer Switzerland Yann Sommer ayaa fure u ahaa dadaalka Inter, isagoo sameeyay 14 badbaadin labada lugood Waxaa loo magacaabay ciyaaryahankii ugu fiicnaa dadaalkiisa laakiin wuxuu ahaa mid aan daacad ahayn markii la weydiiyay cidda uu jeclaan lahaa inuu wajaho finalka, isagoo sheegay in isaga iyo saaxiibadiisa ay si fudud ugu raaxaysan doonaan guushooda.

Isagoo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Labadaba waa kooxo wanaagsan, waan arki doonaa”.

“Waan ku raaxeysaneynaa xaaladan, guushaan caawa, ka dib waxaan ka daawaneynaa ciyaarta bari waan arki doonaa cida nala ciyaari doonta champions Leageu”.

Ciyaaryahanka ay isku kooxda yihiin ee Mateo Darmian, oo bedelay Yann Bisseck 20 daqiiqo oo ka mid ah sagaashankii ciyaarta ka hadhsan tahay, ayaa ku raacay isagoo sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay qaab ciyaareedka Inter ee ciyaar waali ah, waxaana uu intaa ku daray in Nerrazurri ay u ciyaari doonto isla qaabkaas koox kasta oo ay Final-ka la ciyaarto”

Wuxuu yiri: “Qof walba wuxuu rabaa inuu kor u qaado koobka, waxaan qabaa inay adkaan doonto, laakiin waan isku dayi doonaa sababtoo ah waanu u qalanaa in aan halkan joogno”