Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Horyaalka Premier League ayaa qorsheynaya in uu isbeddel weyn ku sameeyo muuqaal caawiyaha garsooraha ee (VAR) si loo horumariyo hufnaanta taageerayaasha.
wargayska The Times, Ayaa soo warrinayo inuu jiri doono qorshe, wada sheekeysi dhexmara garsoorayaasha iyo saraakiisha VAR inta ay socoto ciyaarta.
Ujeedada ugu weyn ee Laga leeyahay ayaa ah in taageerayaasha laga caawiyo inay fahmaan habka Ay VAR go’aanka ugaarto waxaana Larajeynayaa in taageerayaasha ay gacan ka geystaan horumarinta iyo hufnaanta kubadda cagta.
Richard Masters, madaxa fulinta ee Premier League ayaa sheegay inuu helay taageero xooggan oo fikraddaan ku saabsan
Mar uu arrintaan ka hadlayay Waxa uu yiri: “Waxaa jirta aragti guud oo ah in [siideynta codka] ay tahay wax wanaagsan. Waxaa jira rabitaan ah inaan taageerayaasha ka qancinno go’aan qaadashada garsoorayaasha, waxaan u baahannahay inaan ka shaqeyno midaas.”
Fikraddaan waxaa mar hore tijaabiyay MLS horyaalka Maraykanka. dib u eegis lagu sameeyay doodihii goobta ka dhacay ee ku saabsan go’aamada ayaa qaab maqal ah loogu sii daayay YouTube.
Garsoorihii hore ee Premier League, Howard Webb waa madaxa garsoorayaasha MLS laakin waxa uu qarka u saaran yahay in uu dib ugu soo laabto Premier League isaga oo ah madaxa garsoorayaasha cusub.
Howard Webb waxa uu door muhiim ah ka ciyaari karaa hubinta in hordhaca fikradda cusub ay u socoto si habsami leh intii suurtagal ah.
VAR ayaa markii ugu horreysay loo adeegsaday masraxa weyn ee Koobkii Adduunka 2018, guud ahaanna waa lagu guuleystay. Si kastaba ha noqotee, tan iyo markii la bilaabay in VAR loo isticmaalo Premier League-ga sanadkii 2019, waxaa horyaalka Lasoo dirsay muranno farra badan iyo dhaleecey aa La qiyaasi karrin. Gaar ahaan marka ay timaado kubbadda gacanta iyo go’aannada offside-ka adag.