Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Bangiga Premier ayaa xalay Muqdisho ku qabtay xaflad abaalmarin maaliyadeed oo dhan kow iyo labaatan kun oo doolar ($21,000) lagu guddoonsiinayey seddaxdii arday ee kaalmaha hore ka gashay Tartanka Hal-abuurka Ganacsiga oo markii ugu horreysay bangigu sanadkaan u qabtay ardayda dhigata jaamacadaha Muqdisho ee leh hibada iyo halabuurka ganacsi.
Madaxa xiriirka dadweynaha ee Bangiga Premier Bank Axmed-Nuur oo ka warbixiyay heerarkii uu tartanku soo maray ayaa sheegay in tartankaan ay soo codsadeen illaa 31 hal-abuure oo uu bangigu u saaray guddi ku sameeyay qiimeyn hordhac ah. asagoo tilmaamay in qiimeyntii guddiga ay ka soo gudbeen12 hal-abuure oo tartankan ka qeybgalay kuwaas oo ka kala yimid 10 Jaamacadood.
Waxaa kaalinta koowaad galay Aaran Agri-farm oo uu ku tartamayay Cabdiraxmaan Sabriye oo ka soo codsaday Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, waxaana uu ku guuleystay $9,000. Kaalinta labaad waxaa galay Cagaaran Waste Management & Recycling oo uu ku tartamayay Ismaaciil Cabdalla Cali oo ka socday SIMAD University, waxaana uu ku guuleystay $7,000. Kaalinta seddaxaadna waxaa ku guuleystay Xirfadle Freelance Platform oo uu ku tartamayay Cabdirisaaq Geelle oo ka socday Jamhuriya University of Science and Technology, waxaana lagu abaalmariyay $5,000.
Waxaa xusid mudan in uu bangigu tartankaan oo kale uu sanadkii shanaad ka qabtay magaalada Hargeysa. Maamulka Bangiga ayaana ballanqaaday inay sanad kasta tartankan ku qaban doonaan Muqdisho.