Pogba oo qarka u saaran inuu dib ugu laabto Juventus… (Xilliga uu tijaabada caafimaad marayo oo la ogaaday)

0
180
Manchester United's French midfielder Paul Pogba reacts during the English Premier League football match between Manchester United and Chelsea at Old Trafford in Manchester, north west England, on April 28, 2019. (Photo by Paul ELLIS / AFP) / RESTRICTED TO EDITORIAL USE. No use with unauthorized audio, video, data, fixture lists, club/league logos or 'live' services. Online in-match use limited to 120 images. An additional 40 images may be used in extra time. No video emulation. Social media in-match use limited to 120 images. An additional 40 images may be used in extra time. No use in betting publications, games or single club/league/player publications. / (Photo credit should read PAUL ELLIS/AFP/Getty Images)

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Paul Pogba ayaa lagu soo warramayaa inuu kudhow yahay inuu Juventus si bilaash ah ugu biiro, shabakadda 90min ayaa soo warinaysa, iyadoo xiddiga reer France uu tijaabada caafimaadka mari doono isbuucan.

Pogba ayaa ka tagay Manchester United markii labaad dhammaadkii xilli ciyaareedkii 2021/22 kahor inta uusan dhicin qandaraaskiisa.

29-sano jirkaan ayaa ugu dambeyntii go’aansaday inuusan heshiis cusub usaxiixin kooxda ku ciyaarta garoonka Old Trafford kaddib lix sano oo rabshado ah oo uu ku sugnaa kooxdii uu 89 milyan ginni kaga soo biiray Juve.

Bartamaha bishii June  ayaa la sheegay in Pogba uu ogolaaday in uu dib ugu soo laabto Bianconeri uuna diyaar u yahay in uu saxiixo heshiis afar sanno ah, in kasta oo ay xiiso u qabaan xiddigaan kooxaha Real Madrid iyo Paris Saint-Germain.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa u sheegay shabakadda 90min in xiddigii horre ee Man Utd uu mari doono tijaabada caafimaadka toddobaadkaan kahor kulamadda Juve ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Ciyaaryahanka khadka dhexe iyo qoyskiisa ayaa jecel magaaladda Turin, waxaana soo jiitay tababaraha Juventus oo doonaya inuu dhiso koox tartan ku dhisan.

Laacibka heerka caalami ee dalka France ayaa lagu doodi karaa inuu ku riyaaqay labaddii xilli ciyaareed ee ugu fiicnaa xirfadiisa ciyaareed ee Allegri intii u dhaxeysay 2014 iyo 2016, isagoo kula guuleystay labo horyaal sidoo kale la gaaray finalka tartanka xiisaha badan ee UEFA Champions League-ga.