Pochettino Oo U Sheegay Chelsea Magaca Gool Dhaliyaha Uu Doonayo

0
118

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Saxeexa weeraryahan dhexe ayaa la filayaa inay muhiimada koowaad u noqoto Chelsea suuqa xagaagan xilli ay dhawaan magacaabi doonaan tababaraha 2023-24 hoggaamin doona ee Mauricio Pochettino.

Walow la filayo in Pochettino shaqada Chelsea 1-da July haddana shaqada suuqa xagaaga ayaa durba sii bilaabantay, Chelsea ayaa baahi badan u qabta boosas badan balse weerarka dhexe ayaa ah halka ugu daran.

Jawaabta dhibaatada weerarka Chelsea ayay macquul tahay inay kooxdu haatanba haysto oo ay noqon karto weeraryahan Romelu Lukaku oo Inter Milan amaah ugu maqan, Poch ayaa wadahadal la yeelan doona Lukaku kaddib Finalka Champions League.

Dhaliyaha Brentford ee Ivan Toney ayaa sidoo kale bartilmaameed u ahaa Chelsea laakiin ganaaxa siddeeda bilood ah ee dhawaan la saaray ayaa shaki galinaya inay wali doonayaan.

Si kastaba, il-wareedka ESPN ayaa sheegaya haatan in Chelsea xiisaynayso oo waliba dalab 70 Milyan oo pound ah ka gudbisay Dusan Vlahovic oo Juventus ka tirsan.

Vlahovic oo xilli ciyaareedkan joogtayn la’aan kusoo dhibtooday ayaa tobban gool kasoo dhaliyay horyaalka Serie A halka uu afar gool kasoo dhaliyay tartamada Yurub.

Warbixinta ESPN ayaa intaas ku daraysa in Dusan uusan ku faraxsanayn Juventus heshiis uu ugu biiro Chelsea-na dib usoo noolayn karo waayihiisa ciyaareed.