Pjanić oo si cad u sheegay hal sabab uu isaga diiday dalab kaga yimid kooxaha Inter iyo Bayern Munich

0
240

Pjanic ayaa ku soo biiray kooxda Barcelona intii lagu jiray suuqii xagaaga ee ugu dambeeyay, isaga oo kaga soo biiray Juventus, heshiis is dhaafsi ah kaddib markii uu Arthur Melo ku biiray Bianconeri.

Haddaba Miralem Pjanić ayaa sharraxay, inta lagu guda jiray wareysi uu siiyay “Canal+” ee dalka France, inuu helay fursad dhab ah oo uu ugu dhaqaaqi karay kooxda Inter Milan inta uu ku sugnaa Roma, laakiin uu aaminsanaa in xilligaas aysan aheyn waqtigii saxda ahaa.

Pjanić ayaa sidoo kale sheegay inuu dalab ka helay kooxda Bayern Munich, balse uusan rabin inuu u dhaqaaqo naadiga reer Germany, sababtoo ah wuxuu u maleynayay in waqtigaas uusan aheyn mid ku haboon sidoo kale.

Si kastaba ha ahaatee, Miralem Pjanić ayaa ka soo dhaqaaqay kooxda Roma si uu ugu biiro Juventus xagaagii 2016, wuxuuna ku qaatay 4 xilli ciyaareed kahor inta uusan u dhaqaaqin Barcelona xagaagan.

Pjanić oo ka hadlay sidoo kale go’aankii uu dib ugu dhigay u dhaqaaqista kooxda Juventus, inta uu ku sugnaa naadiga Roma ayaa wuxuu yiri:

“Waqtigaas waxaan u maleynayay inaysan ahayn waqtigii saxda ahaa, waxaan halis u gali lahaa inaan labo sano ku lumiyo koox ay u wada ciyaaraan saddexda kala ah Paul Pogba, Andrea Pirlo iyo Arturo Vidal”.