Pierre-Emerick Aubameyang oo diyaarad khaas ah kaga duulay waddanka Ingiriiska.

0
117

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Weeraryahanka reer Gabon ee Pierre-Emerick Aubameyang ayaa diyaarad khaas ah kaga duulay waddanka Ingiriiska, waxaanu ka degay Talyaaniga saacado kaddib markii uu tababare Graham Potter ka saaray liiska ciyaartoyda Chelsea ee loo gudbiyey UEFA ee u ciyaari doon tartanka Champions League.

Pierre-Emerick Aubameyang oo ay da’diisu tahay 33 jir ayaa waqti adag waajahaya, waxaanay Chelsea ka reebtay liiska xiddigaha u ciyaaraya Champions League iyadoo booskiisii lagu beddelay Mudryk oo ay Blues soo iibsatay bishii hore.

33 jirkan oo Stamford Bridge usoo wareegay xagaagii, ayaa ka mid noqday liis ay ku qoran yihiin Benoit Badiashile, Noni Madueke, David Datro Fofana iyo Andrey Santos oo seegaya tartanka Champions League, waxaana markii uu soo baxay warka sheegaya in Chelsea ay gudbisay liiskeeda uu Aubameyang diyaarad ka qaatay magaalada London.

Laacibkan ayaa bartiisa bulshada waxa uu soo dhigay sawir isaga iyo qoyskiisa ah oo diyarad saaran, waxaanay wararku sheegayaan in uu kusii jeedo magaalada Milan ee waddanka Talyaaniga.

Inkasta oo uu xidhmay suuqa iibka ciyaartoyda, haddana Aubameyang ayaan la ogeyn sababta uu u tegay Talyaaniga oo uu hore ugaga soo ciyaaray AC Milan.

Graham Potter oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inay ahayd go’aan adag in Aubameyang uu ka reebo liiska ciyaartoydiisa sababtoo ah inuu yahay xirfadleh.

Si kastaba ha ahaatee, Aubameyang oo aanay kooxdu sheegin inuu dhaawacan yahay ayaa kaydka Chelsea ku jiray usbuucyadii ugu dambeeyey iyadoo mararka qaarkoodna aan lagu soo darin xiddigaha kooxda ee kulamada horyaalka Premier League.