Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester City ee Pep Guardiola ayaa u dhaqaaqay saxeexa xiddiga jaamacadda uga soo qalin-jabiyey kubadda cagta ee khabiirka ku ah sida loo burburiyo difaaca, isla markaana ilbidhiqsiga ku daraasayn kara halka uu ka nugul yahay ciyaartoyga kasoo horjeeda ee uu ka dhaaafi karayo.
Manchester City oo shalay oo Sabti ahayd soo bandhigtay saxeexeeda cusub ee Josko Gvardiola oo ay £77 milyan oo Gini oo u dhiganta 90 milyan oo Euro kaga soo iibsadeen RB Leipzig, ayaa waxay hadda u dhaqaaqday saxeexa ciyaartoy kale oo ay tayadisu aad u sarrayso.
Guardiola oo doonaya inuu difaacdo dhamaan koobabka uu xilli ciyaareedkii hore ku guuleystay ee Champions League, Premier League oo saddexdii sannadood ee ugu dambaysay ay kooxdiisu qaadday iyo FA Cup, ayaa waxa uu dalbaday xiddig Premier League ah oo jaamacad uga soo qalin-jabiyey kubadda cagta.
Man Ciity ayaa waxay doonaysaa xiddiga reer Japan ee Kaoru Mitoma oo u ciyaara Brighton, isla markaana la ogaa sidii uu u galay Liverpool xilli-ciyaareedkii hore, kaas oo sannado ka hor dhamaystiray qorista buugga qalin-jabinta jaamacadda oo uu ka baxay kulliyadda barashada kubadda cagta
Mitoma oo saxaafadda la hadlay ayaa waxa uu sheegay, in uu khabiir ku yahay fahamka iyo akhrinta muuqaalka xubnaha jidheed ee ciyaartoyga kasoo horjeeda oo uu ilbidhiqsi ku fahmi karayo halka uu ka nugul yahay ee aanu isku dhaqaajin karayn, kaddibna uu halkaas ka dhaafo.