Pep Guardiola Oo Toddoba Ciyaartoy Ka Diraya Man City Kaddib Guushii Champions League

0
73

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Toddoba ciyaartoy oo ka mid ahaa xiddigihii Manchester City ee ku guuleystay saddexda koob ee Champions League, Premier League iyo FA Cup ayaa uu tababare Pep Guardiola ka diri doonaa Etihad Stadium xagaagan.

Sabtidii ayay Manchester City samaysay taariikh weyn oo ay dhamaystirteen saddexda koob iyaga oo barbarreeyey rikoodhkii Manchester United ee sannadkii 1999kii.

Tababare Pep Guardiola ayaa la sheegay in uu doonayo in uu ka  takhaluso oo uu kooxdiisa ka diro toddoba ciyaartoy oo qaarkood ay qandaraasyadoodu dhamaad yihiin. Waxa ku jira Ilkay Gundogan oo ah kabtanka Man City oo aan illaa hadda go’aan ka gaadhin mustaqbalkiisa.

32 jirkan ayaa waxa uu sheegay in toddobaadyada soo socda uu go’aankiisa gaadhi doono, waxaase uu ku jiraa toddobada ciyaartoy ee la filayo in ay ka tagaan xagaagan Etihad Stadum.

Waxa kale oo ciyaartoyda ka bixi karta Manchester City ku jirta Bernardo Silva oo laba sannadood ka hadhsan yihiin qandaraaskiisa oo muddooyinkii u dambeeyeyba shaki gelinayay sii joogistiisa.

Riyad Mahrez oo la sheegay in uu dalab ka haysto horyaalka waddanka Sucuudiga ayaa isaguna ka mid ah laacibiinta aan ku faraxsanayn in ay sii joogaan Etihad Stadium, sababtoo ah kursiga kaydka ee uu xilli-ciyaareedkan ku jiray.

Waxa uu Mahrez ku riixi doona Manchester City in ay iibiyaan amaba ay fasaxaan, waxaase la mid ah Kalvin Phillips oo xagaagii hore ay soo iibsatay Man City, waxaana booskiisa lagu beddeli doonaa Mateo Kovacic.

Waxa kale oo Manchester City aanay waxba u oollin Joao Cancelo oo ay isku dhaceen Pep Guardiola, isla markaana bishii January amaah loogu diray Bayern Munich iyo Aymeric Laporte oo bishii hore go’aanka bixitaankiisa u gudbiyey Manchester City.

Kyle Walker oo qandaraaskiisu dhamaad yahay ay isaguna ka mid ah liiska xiddigaha Manchester City ka tegaya.