Pep Guardiola oo carrabka ku dhuftay magaca kooxda uu Eric Garcia ku biirayo xagaagan

0
317

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester City ee Pep Guardiola ayaa xaqiijiyay in xiddiga difaaca uga ciyaara kooxdiisa ee Eric Garcia uu xagaagan bilaash kaga tagayo naadiga reer England isagoo ku laabanaya dalka Spain.

Garcia ayaa iska diiday inuu qandaraas cusub u saxiixo kooxda Man City si uu baaqi ugu sii ahaado garoonka Etihad, waxaana Pep uu dhankiisa xaqiijiyay inuu laacibkan beeca xorta ah ugu biiri doono Barcelona.

20-jirkan ayaa muddo lala xiriirinayay kooxda Barca oo uu kulyaddeeda dhallinyarada kasoo wax bartay ka hor inta uusan Man City u soo dhaqaaqin sanadkii 2017, waxaana sheekadii la xiriirineysay Blaugrana ay haatan u muuqataa mid dhab ah maadaama uu xaqiijiyay Guardiola.

“Waan jeclaan lahaa inaan kooxdeyda ku heysto 15 qof oo Eric Garcia ah, marwalba kooxda ayuu ka fikiraa” ayuu macallinka reer Spain hadalkiisa ku bilaabay kaddib ciyaartii fiinaalka Carabao Cup ee ay kooxdiisa 1-0 koobka kaga qaadday Tottenham Hotspur.

“Inta ugu badan kursiga keydka masoo fariisto, maxaa yeelay wuxuu u socdaa Barcelona” ayuu yiri Guardiola.

Macallinkii hore ee Barcelona ayaa sidoo kale hadalkiisa ku daray in daafaca Isbaanishka ah uusan qanacsaneyn haddii uusan kulammo badan ciyaarin, taasina ay tahay sababta uu u diiday inuu heshiiska u kordhiyo kooxda horyaalka Premier League hoggaamineysa.

Si kastaba ha ahaatee, Eric Garcia ayaa guud ahaan Manchester City u saftay 10 kullan dhammaan tartammada xilli ciyaareedkan isagoo kusoo bilawday horyaalka Ingiriiska kaliya labo jeer, ugu dambeynna tababarahiisa ayaa carrabka ku dhuftay inuu Barcelona u laaban doono.