Pedri oo Qirtay Khalad Halis Ah Oo Uu Sababay Kulankii Levante

0
47

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda Barcelona ayaa qeybtii hore si liidata ku wajahday kulankii ay la yeesheen Levante, iyadoo lagu hoggaamiyay 2-0 kahor nasashada.

Difaac xumo iyo qaladaad shaqsiyeed ayaa u horseeday Barca dhibaato, waxaana ciyaarta kadib uu qirtay Pedri inuu mas’uul ka ahaa goolka labaad ee kooxda martida loo ahaa.

“Waxaan aaminsanahay in goolkoodii labaad uu khalad iga dhacay, sababtoo ah waxaan si fudud dhulka u galay anigoon go’aan adag qaadan,” ayuu Pedri u sheegay warbaahinta.
“Waxey aheyd inaan midkood sameeyo – inaan weerarka joojiyo ama aan kubadda dafo.”

Si kastaba ha ahaatee, ciyaaryahanka qadka dhexe ayaa qaladkiisa ku saxay dharbaaxo xooggan oo uu ku dhaliyay goolka koowaad ee Barca, taasoo horseeday soo laabashada guushii 3-2 ah.

Marka laga hadlayay waxa tababare Hansi Flick uu ku yiri ciyaartoyda intii lagu jiray nasashada, Pedri wuxuu yiri:
“Wuxuu nagu yiri inaan si feejignaan badan u xannibno, inaan xawli sare ku ciyaarno, kubaddana dhaqso wareejinno ka hor inta aanan raadinin baasaska khadka dhexe dhexdiisa.”

“Way adag tahay inaad la ciyaarto koox si hoose isku difaaceysa, balse run ahaantii kooxda si buuxda ayey isu bedeshay qeybtii labaad.”

Barcelona ugu dambeyntii waxay guul cajiib ah ka gaartay Levante, inkastoo ay ku sigatay inay dhibco lumiso.