Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Halyeyga Manchesrter United ee Paul Scholes ayaa tilmaamay dhibaatada ugu weyn ee haysata kooxdiisa hore, kaddib markii ay Red Devils diiwaangelisay guul-darradii 13aad ee xilli-ciyaareedkan ee dhamaan tartamada.
26 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah oo ay dheeshay Manchester United ayaa laga badiyey 13 ka mid ah, waxaana loo diiwaangeliyey rikoodhkii ugu xumaa tan iyo sannadkii 1930kii.
Waxa maanta 2-0 ku karbaashtay West Ham United oo waqti dambe ka dhalisay laba gool oo ay ku niyad-jabiyeen Jarrod Bowen iyo Mohammed Kudus, waana guul-darradii saddexaad ee afar ciyaarood gudahood, iyaga oo kulanka kalena barbarro la galay Liverpool.
Paul Scholes oo ka hadlay dhibaatada haysata Manchester United ayaa waxa uu sheegay in caqabaddooda ugu weyn ay tahay weerarka oo ay ka masantay xeeladdii iyo farsamadii lagu dhalinayay goolashu, waxaanu yidhi: “United waxa haysata dhibaato weyn. Dhalinta goolasha ayaa dhibaatadoodu weeye. Afartii ciyaarood ee u dambeeyey waxba ma aanay dhalin, mana ay abuurin fursado dhab ah. Qaybta labaad uma malaynayn in uu goolhayuhu badbaadin karayo.”
Paul Scholes waxa uu in McTominay uu marar badan la baxsaday kooxda uu uu u dhaliyey lix gool, isla markaana yahay ciyaartoygooda ugu goolasha badan, taasina ahayn wixii laga doonayay koox u tartamaysa horyaalka Premier League.