Paul Scholes oo kula taliyay Man United inay la soo saxiixato xiddiga aan aheyn Jadon Sancho

0
178

(Manchester) 06 Agoosto 2020. Halyeeyga kooxda kubadda cagta Manchester United ee Paul Scholes ayaa u arka in Red Devils ay bartilmaameedka koowaad ka dhigato saxiixa weeraryahanka naadiga Tottenham Hotspur ee Harry Kane.

Sida laga soo xigtay warbixin uu daabacay wargeyska “Daily Mail” ee dalka England Paul Scholes ayaa aaminsan in saxiixa Harry Kane ay lagama maarmaan u tahay kooxda marka loo eego Jadon Sancho.

Wargeyska “Daily Mail” ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Paul Scholes, wuxuuna yiri:

“Jadon Sancho waa ciyaaryahan weyn, waxaana u maleynayaa unuu hormarin doono koox kasta kubadda cagta ee adduunka ah, waxaana ka hadlayaa Liverpool, Manchester City, Barcelona iyo Real Madrid”.

“Rikoorradiisa waxay xaqiijinayaan inuu yahay gooldhaliye, wuu caawin doonaa wuuna dhalin doonaa goolal badan, shaki kuma jiro inuu wax weyn ku soo kordhin doono kooxda”.

Intaas kaddib Paul Scholes oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay sida ay muhiim ugu tahay Man United saxiixa Harry Kane, wuxuuna yiri:

“Waxaan u maleynayaa inay United u baahan tahay weeraryahan toos ah, xiddig lambarka 9-aad iyo gooldhaliye dhab ah, Harry Kane ayaana ku haboon inuu qabto shaqadaas”.

Gool FM.