Paul Pogba Oo Si Lama Filaan Ah Uga Hadlay Ka Tagista Rashford Ee Manchester United

0
50

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Laacibka khadka dhexe ee kooxda Monaco, Paul Pogba, ayaa si cad u muujiyay taageeradiisa iyo farxaddiisa ku aaddan u wareegista Marcus Rashford ee Barcelona, isagoo ku tilmaamay “mid guul weyn u ah kooxda reer Spain”.

Rashford ayaa haatan si rasmi ah ugu biiray Barcelona heshiis amaah ah, iyadoo la dhameystiray dhammaan waraaqihii qandaraaska. Ciyaaryahanka ayaa gaaray Spain si uu u maro baadhitaanka caafimaad ee kooxda Blaugrana.

Wararka ayaa sheegaya in Rashford uu aqbalay 15% mushahar dhimis, iyadoo Barcelona ay bixin doonto €14 milyan mushaar guud (€7 milyan oo saafiga ah). Heshiiska sidoo kale waxa ku jira ikhtiyaar ay Barça ku iibsan karto ciyaaryahanka €30 milyan bisha Juun 2026.

Pogba, oo hore ula soo ciyaaray Rashford xilligii ay wada joogeen United, ayaa wareysi uu siiyay IShowSpeed ku yiri:
“Waa wax lala yaabo! Waan u faraxsanahay. Manchester United waxay luminaysaa ciyaaryahan weyn. Waa arrin guul u ah Barcelona.”

Qaddarinta Pogba ee Rashford ayaa si kale u muujinaysa sida ciyaaryahanka reer England uu weli saameyn ugu leeyahay kubadda cagta reer Yurub – inkasta oo uu United kaga tagayo si ku-meel-gaar ah.