Pakistan oo sheegtay inay soo ridday diyaarado dagaal oo Hindiya leedahay

0
9

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Pakistan ayaa sheegatay inay soo ridday shan diyaaradood oo kuwa dagaalka ah oo ay Hindiya leedahay.

“Ilaa iyo haatan, waxaan kuu xaqiijin karaa in shan diyaaradood oo kuwa dagaalka ah oo Hindiya leedahay – ayna ku jiraan saddex nooca Rafale, hal SU-30 iyo hal MiG-29 – iyo hal Heron ah lasoo riday,” afhayeenka militariga Pakistan janaraal Axmed Sharif Chaudhary ayaa sidaa ku yiri muuqaal uu la wadaagay Reuters.

Hindiya ayaan weli ka jawaabin sheegashadaas.