Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Wasiir ku xigeenka Waasaradda Xananada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Dowlad Goboleedka Jubbaland Ibraahin Cabdi Xassan oo uu weheliyo Agaasimaha Wasaaradda Cabdulaahi Cali Faarax ayaa daahfuray olole lagu daaweynayo Xoolaha, iyadoo abaaraha jira awgood ay xooluhu ku dhaceen cuduro kala duwan.
Wasaaradda ayaa daaweyntan ka bilowday naxaawiga magaalada Kismaayo, iyadoo ay socon doonto muddo 15 maalin ah, Waxaana la daaweyn doonaa ilaa 30 kun oo neef.
Naxwo Axmed Kadiye.ayaa warbixintan ku eegeysa